Wariye Xizbul Islaam ka goostay oo Dowlada u galay.
Bartamaha (Muqdisho):- Wariye Xasan Maxamed Cali Anteeno oo waayihii ugu danbeeyay u shaqeynayay Kooxda Mucaaradka ah Ee Xizbul Islaam ayaa ka soo goostay Kooxdaaasi.
Wariyahan oo shalay gaaray Xarunta Wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG ah ayaa waxa uu isku dhiibay Wasaaradaasi isaga oo shaaca ka qaaday in uu ka soo goostay Kooxda Xizbul Islaam oo muddo uu u shaqeynayay.
Wariyahan ayaa waxa uu saxaafada u sheegay shalay in uu qaadan waayay amaro kaga yimid Xizbul Islaam kuwaasi oo u cuntami waayay ka dib markii ay amreen in uu wararka ku baahiyo afka kooxda.
Wariye Anteeno waxa uu cadeeyay in Saraakiisha Xizbul Islaam ay fareen in uu Dowlada ku tilmaamo “Riddo” islamarkaana dadka dowlada ka mida uu yiraahdo “Gaalo ama Murtadiin” taasi oo uu wariyahan sheegay in ay u cuntami waysay.
Wariye Anteeno ayaa waxa uu ka mid ahaa Wariyayaasha ka hoos shaqeeya Kooxda Xizbul Islaam waxa uuna haatan cadeeyay in uu ka mid yahaya Dowlada KMG ah islamarkaana uu ka laabtay dhammaan fikiradii uu kula shaqeynayay maleeshiyaadka Mucaaradka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments