Wariye ka tirsan Idaacada Simba oo ku dhaawacmay Madfac ku soo dhacay Deegaanka Terbuunka Degmada Hodon Ee Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Wariye Ismaaciil Salaad Guuleed (Ismaaciil Istiila) oo ka mida warfidiyeenada Idcaada Simba Ee Muqdisho ayaa dhaawac uu ka soo gaaray mid ka mida madaafiicda la isku dhaafsanao Dagaalada muqdisho.Â
Wariye Ismaaciil Istiila ayaa dhaawaca uu soo gaaray xilli uu ku sugnaa goob uu dagaalka si xoogan uga socday oo ahayd agagaarka Terbuunka halkaasi oo ay howlo shaqo ka hayeen isaga iyo Suxufiyiin dhowr ah.
Wariyaha ayaa la sheegayaan in dhaawaca uu ka soo gaaray Gacanta Midig iyo Wejiga balse waxaa la tilmaamay in dhaawaciisu uu yahay mid yara Fudud isla mar’ahaantaana la dhigay isbitaalka Madiina Ee Muqdisho.
Dhaawaca wariyaha ayaa waxa uu qeyb ka yahay dhibaatada gaaraysa shacabka soomaaliyeed ee manta ku waxyeeloobaya dagaalada qaraar ee muqdisho ka socanaya kuwaasi oo ilaa haatan ay dhibaatada ugu badan gaarayso shacabka soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somlia.
Comments
comments