Calendar

Wariye ka tirsan Idaacada Qur’aanka Kariimka Ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday rasaasta ka socota Caasimada Muqdisho.

iqk-radioBartamaha(Muqdisho):-

Wariye Maxmuud Yuusuf Niiniile oo ka mid ahaa warfidiyeenada Idaacada IQK Ee Muqdisho ayaa maanta dhaawac culus oo ka soo gaaray rasaas la isku dhaafsanayay isgoyska 4-Jardiino ka dib u geeriyooday.

Wariyaha oo ay wada socdeen mid ka mida suxufiyiinta kale ee ka shaqeysa idaacadaha Muqdisho ayaa waqtigaasi waxa ay ku wajahnaayeen idaacada IQK oo ku taala degaanka Suuq Bacaad Ee Degmada Yaaqshiid halkaasi oo inta aanay gaarin uu dhaawac culus soo gaaray wariye Niiniile.

Maxmuud Yuusuf Niiniile ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay rasaas ka soo dhacday dhanka Deegaanka Tabeelaha Jacayl Ee Degmada Shibis halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowlada kuwaasi oo rasaas ay isdhaafsanayeen Ciidamada Islaamiyiinta oo iyana ku sugnaa Isgoyska 4-Jardiino.

Dhaawaca saxafigaasi ayaa in mudda ah lagu guuleysan waayay in laga soo qaado goobta uu ku dhacay oo ahayd meel wadada laamiga ah bartamaheeda ahayd isla mar’ahaantaana uu liif saarnaa taasi oo suslaysay in loo gurmado ama la qaado dhaawaciisa rasaasta dhacaysay awgeed.

Muddo 30-Daqiiqo ah dabadeen ayaa dad gurmad ah ay ku gulleesteen in halkaas ay saxafigaasi ka soo qaadaan iyadoo loola cararay isbitaalka Madiina Ee Muqdisho wallow uu muddo ka dib isaga geeriyooday isbitaalka oo ay ku booqdeen dhammaan suxufiyiinta soomaaliyeed ee ay shaqa wadaagta ahaayeen saxafigaasi.

Waa wariyihii labaad ee ku geeriyooda dagaalada ka bilowday caasimada Muqdisho iyadoo rasaas wiifta ah ay horey u dishay C/risaaq Gaadaco oo ka tirsanaa wariyayaasha idaacada shabeele Ee Muqdisho waxaana sidoo kale dagaalada dhaawac uu ka soo gaaray Ismaaciil Salaad guuled Istiila oo ka shaqeeya Idaacada Simba iyadoo ay jiraan tacadiyo labada dhinac ay u kala geesteen suxufiyiinta ku dhiiraday sii wadida shaqooyinkooda.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: