read more »">
Calendar

Wariyayaal la jir dilay oo Amisom ku sifeeyay Gumaystayaal.

amisomBartamaha (Muqdisho):-Wariyayaasha Muqdisho ayaa shalay la kulmay Jirdil iyo handadaad taasi oo ka soo saartay hadal ku duugnaa suxufiyiinta.

Wariyayaasha Muqdisho ayaa shalay ay u ahayd maalin ka mida maalmaha madow ee soo maray ka gadaal markii Ciidanka Amisom ay jirdil iyo handadaad kula dhaqaaqeen wariyayaasha ku sugan Muqdisho.

Koox wariyayaal ah oo shalay gaartay garoonka Muqdisho ayaa ka soo laabatay shaqa la’aan ka gadaal markii loo diiday in ay sawira ka qaataan Lamaanaha u dhashay Britain oo la sii daayay kana soo dagayay garoonak Diyaaradaha.

Wariyayaasha ayaa lagu qafilay qeyb ka mida garoonka iyadoo loo diiday in ay gudaha u galaan garoonka si ay muuqaala u qaataan taasi oo sababtay in cara xoogan ay kala duldhacaan Ciidanka Amisom.

Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada ayaa wariyayaasha gacantooda u adeegsaday iyagoo qoryaha fudud afka ka galiyay si aanay u galin albaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay doonayeen in ay sawira ka soo qaataan diyaarada siday Lamaanaha xiliga ay ka soo dagayeen.

Suxufiyiintii loo diiday in ay sawira qaataan ayaa waxa ay faahfaahin ka bixiyeen dhibaatada ay la kulmeen oo ahayd mid culus ka gadaal markii ay ka quusteen in ay galaan garoonka dhexdiisa.

Wariye Faarax AP oo ka mid ahaa suxufiyiintii shalay ka shaqeysan waayay Ciidanka Amisom ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada culus ay shalay soo gaartay wariyayaasha Soomaaliyeed oo shaqadooda dharaar cad la hor istaagay.

Wariyahan oo ah nin saqir qaade u ah Wakaalada Wararka AP ayaa waxa uu sheegay in rag ajaanib ah oo qaarkood dareeska Askarta wata ay yihiin kuwa shaqada wariyayaasha hortagan si ay sawirada uga iibsadaan wakaaladaha wariyayaasha Soomaaliyeed wakiilada u yihiin.

“Waa Gumayste Cusub waayoo garoonka aan xaqa u leenahay oo soomaalida leedahay ayay nagu maamulayaan…mar walba ayay sidan noo galayaan oo ajaanib askar ah qaarkood ayaa sawirada ka qaata dadka muhiimka ah ee garoonka ka soo dagta……waxaan xasuustaa xiligii uu dalka imaanayay madaxweynaha hada jira way na garaaceen wayna noo diideen in aan Madaxweynaha dalka sawirano…..iyada ayaa wariyayaal keensaday taasina waa gumaysi cusub oo dalka yimid….” ayuu si cara leh u yiri wariyahan.

Hadalka ka soo yeeray wariyayaasha Muqdisho ayaa u muuqanayay mid carada ay ka keentay iyagoo aaminsan in Gumaysi ay yihiin Ciidanka Amisom oo caada ka dhigtay in ay hor’istaagaan shaqada wariyayaasha Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: