Wargeysyo ka soo baxa South Africa oo faafiyay warar la xiriira qaraxyo Soomaalida ay ka geysanayaan dalkaasi Sanada 2010.
Bartamaha(Cep-town):-Wargeysyada ka soo baxa Koonfur  Afrika ayaa waxa ay faafiyeen dacaayado la xiriira qaraxyo ay diyaarinayaan Soomaalida marka la gaaro 2010.
Wargeysyada Sunday Independent, Sunday Tribune, iyo Weekend Argus ayaa shalay wada qoray in Dalka South Afrca Sanda 2010-ay qaraxyo ka samaynayaan soomaalida dalkaasi soo galaysa kuwaasi oo doonaya in ay isku miidaamiyaan madaxda ka soo qeybgalaysa Ciyaaraha Adduunka.
Taliyaha Ciidamada Police-ka dalka K/Afrika Beki Cele ayaa sheegay in ay baaritaano wadaan balse aanay u muuqan Soomaalida in qaraxyo ay samaynayaan maadaama ganacsi ay ku mashquulsanyihiin.
Dhanka kale Afayeenka sirdoonka South Afrika Lorna Deniels ayaa ku goodiyay in ay talaabo ka qaadayaan wargeysyada wararkaasi faafiyay maadaama ciidamada Sirdoonka ay wax walba ogaan karaan.
Afkayeenka ayaas heegay in xaalada ammaanka dalkaasi ay Qatar galinayaan wargeysyada uu sheegay in ay wadaan abaabulo Ciyaaraha adduunka lagu carqaladaynayo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments