Warbixinta UN Somalia
Bartamaha (Nairobi):-Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ku sheegtay inay qaadayso tallaabooyin hor leh oo wax lagaga qabanayo gargaarka la leexsado ee gacanta u gala islaamiyiinta xagjirka ah.
Warbixintani oo la soo saaray Arbacadii dhaweyd ayaa waxay daba joogtaa warbixin hore oo bishii March ee sanakani loo gudbiyey Golaha Ammaanka oo ka soo baxday guddida la socodka cunaqabatayntii saarnayd Somalia iyo Eritrea. Warbixintaasina waxyaabihii ay sheegtay waxa ka mid ahaa in qiyaastii kala-badh raashinka gargaaka ah ee loo wado Somalia inay leexsadaan kooxo isku xidhan oo ka kooban qandaraaslaaal musuqmaasuq ah, kooxaha islaamiyiinta iyo shaqaalaha gudaha ee heyadaha Qaramada Midoobey.
Waxana warbixintaasi ay ugu baaqday xoghayaha guud in la sameeyo baadhitaan madaxbanaan oo lagu sameeyo hawlaha heyadda cunnada ee WFP ee Somalia, iyo in la diiwaangeliyo oo lagu sameeyo dabagal dadka iyo sharikadada ku lug leh afduubka shaqaalaha heyadaha gargaarka, laguna daro liiska madow ee argagixisada.
Ban Ki-moon waxa uu warbixintiisan haatan ku sheegay in la dejiyey qorshe waxqabad oo wax lagaga qabanayo khataraha noocaasi ah ee ay tilmaantay warbixintii hore ee guddida la socodka cunaqabatayntii Somaia. Nidaamkan diiwaangelintana waxa kale oo lagu koobi doonaa dhammaan xogaha iyo faahfaahinta la xidhiidha adeegyada Qaramada Midoobey iyo qandaraaslayaasha.
Waxana warbixintu intaasi ay ku dartay in dib loo habeeyey nidaamkii lacagayowga naqadka ah iyo kharashyada gelaya Somalia iyo qaababka loo isticmaalayo.
Warbixinta hore ee guddida dabagalka arrimaha Somalia waxa kale oo ay tilmaantay walaac laga qabo tusaale ahaan ganacsade Somaaliyeed oo la sheegay inuu ku xidhan yahay al-Shabaab oo ay dhici karto inuu wax ka helo lacagayowga madax-furashada ah ee laga qaato shaqaalaha heyadaha gargaarka ee la afduubo. Ninkaasi oo la sheegay inuu haddana ka mid yahay qandaraaslayaasha u shaqeeya WFP iyo sanduuqa xannaanada caruurta ee UESCO.
Wararka ku saabsan gargaarka la leexsadaa waxa kale oo ay keentay in Maraykanku uu gooyo mucaawanadii uu siin jirey WFP gobollada qaar ee ay ka taliso al_shabaab.
43% dadweynaha Somalia ayaa lagu qadaray inay yihiin qaxooti iyo dad barakacay oo u baahan gargaar iyo dib-u-dejin.
Godobollada koonfurta, badhtamaa Somalia, iyo magaalada Mqdishu ee al_shabbab ay ka taliyaan ayaa laga soo sheegayaan ku-dacatti fara bada oo ka dhan ah xuquuqda aadamiga, sida cabsi-gelin xad-dhaaf ah, xukunno qallafsan, karbaash, addimada oo dadka laga jaro, iyo dhagax lagu dilo.
Toddobaadka danbana, magaalada Instanbul ee dalka Turkiga waxa lagu qaban doona shirweyne caalami ah oo ay abaabulayso UN o laga hadlayo wax ka qabashada nabadda iyo deganaansha Somalia, dib-u-dhiska, iyo ka-hor-tagga budhcad-badeedda.
Xigasho.. BBC Somali
Comments
comments