WARBIXIN:- Huwanta oo qabsatay Jowhar
Ciidamada dowlada oo wehliyaan kuwa AMISOM ayaa ku sugan magalada Jowhar markii ay saakay ay iskaga baxeen kooxda Al Shabaab.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtey in xoogagii Al Shabaab ee joogay Jowhar ay iskaga baxeen magalada markii ay saakay ciidamadooda ay kazoo dhaqaqeyn deegaanka Qalimow oo aay weerar ugu soo jiheysteen dhinacaa Jowhar.
Taliyaha Howl-galinta ciidamada military-ga dowlada Cali Caraaye Cosoble oo la hadlay saxafada ayaa waxa u sheegay in maanta ay ugu jirtey qorshahooda iney gacanta ku dhigaan magalada Jowhar oo Al Shabaab ay ka saaraan.
Ciidamada dowlada ayaa labo jiho kaga yimaaday iyadoona aysen wax xabad ka dhicin, waxana ay u sii gudbeen banaanka magalada iyadona iminka ku suggan ilaa deegaanka Mahadaay.
Cali Caraaye waxa uu sheegay iney magalada ay burburiyeen kooxda Al Shabaab, ayna ku arkeen isbadal badan, waxanaa uus heegay inuu rajeynayo iney kazoo kabato.
Bililaqo ayaa lagula kacay meelihii ay daganayeen kooxda Al Shabaab gaar ahaan saldhiga iyo xarunta gobolka.
Dhowr qarax oo miino ayaa la sheegaya in la qarxiyey, kuwaas oo Al Shabaab ay magalada ku aaseyn, iyadoona aysen jirin wax dad ah oo ku dhibaatoobay.
Dowladda ayaa gacanta ku hayso gobolka Shabelladda Dhexe intiisa badan iyadoona gacanta Al Shabaab ay ku hartey deeganadda Aadan Yabaale iyo Caddale.
Comments
comments