Calendar

Waraysigii Hanoolaato oo buuxa (VIDEO)

hanoolaatoWaraysi aan idiinkaga soo qaadnay Ururka wadaniyiinta Soomaalida ee Hanoolaato mar aan kula kulanay magaalada Nairobi, Kenya ayaa noqday mid dad fara badani ay na soo weydiiyeen goorta isagoo buuxa lasoo galin doono Bartamaha online, haddaba maanta ayaan idiin soo gudbinaynaa waraysigii Hanoolaato oo qeyb ka mid ah aad ku aragteen Barnaamijka Wargelin.

Ujeedada ururka Hanoolaato waxay tahay – Ka xoraynta Bulshada shanta cadow ee kala ah: Colaadaha, Qabyaaladda, Saboolnimada,  Aqoon darada iyo Sunta Cagaaran ee Qaadka
Dhidibo u saarista dulmiga, cadaawadda iyo kala qaybsanaanta ka jirta Soomaalida dhexdeeda, Soo celinta waddaniyaddii, is jacaylkii iyo iskaashigii ummada Somaliyeed, Xoojinta fahamka iyo barashada diinta Islaamka
Abuurista nabad, caddaalad iyo horumar si loo gaadho hannaan dowladnimo oo wanaagsan, bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh.

Waraysigan waxaa ku jira Cali Shariif, Zakia Xuseen iyo C/weli Garaad.

DAAWO

Comments

comments

Category : The Story, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: