Calendar

Warar kasoo baxaya dalka Syria oo sheegaya in hub kiimikaal ah lagu dilay boqollaal qof

553 (1)Wararka ka imaanaya dalka Syria ayaa sheegaya in ciidamada daacada u ah hogaamiyaha dalkaas ee Bashaar Alasad inay dileen dad kor u dhaafaya 1300 oo qof kuwaasoo ku dhintay magaalooyin ku hareeraysan Dimishiq caasimada Suuriya, kadib markii ay ciidamada dawlada u isticmaaleen hub kiimikaal ah.

Taleefishinka Aljazeera ayaa baahiyay sawirrada boqollaal dad ah oo mayd ah iyo kuwo ay neeftu ku xirantay oo rafanaya kuwaasoo la sheegay in loo isticmaalay gantaalo lagu soo xiray hubka kiimikaalka ah ee ay halista tahay in loo isticmaalo meelaha ay dagaalladu ka jiraan.

Dawlada Syria ayaa beenisay wararka sheegaya isticmaalka hubkan, mucaaradkuna waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay xayiraad dhanka hawada ah saarto Syria.

Dalkaas ayaa muddo labo sano ka badan uu ka socdaa kacdoon looga soo horjeedo madaxweyne Bashaar Alasad oo ay ku dhinteen kumannaan kun oo dad ah.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: