Warar goos goos ah Cayaaraha Aduunka 2010
Bartamaha — Cayaaraha aduunka 2010 ayaa si habsima ah uga socda dalka Koonfur Afrika, waxaana la marayaa ciyaaraha wareegoodii koowaad, iyadoo ay fooda is wada dareen dalalka 32 ah ee ka qayb galaya World Cup sanadkaan.
Ilaa hada kooxaha wada dheelay awoodo badan oo is dheer yihiin kama muuqan, marka laga reebo xulka dalalka Germany iyo Argentina oo soo bandhigey ciyaar wanaag iyo firfircooni dheeri ah, inkastoo ciyaaryahanka caanka ah Messi u sheegay in goalhayaha kooxda dalka Nigeria yahay mucjiso ‘’ Phonemenen’’ kadib markii uu la dheelay ciyaar adag ciyaartii dhaxmartey labada dal.
Diego Maradona ayaa sheegay inuusan ahayn ‘’Der Kaiser’’ka dalka Germany madaama lala meel dhigay Franz Beckenbauer’’ oo hore ugu guulaystey koobka Aduunka labo jeer isagoo ahaa mar ciyaartooy marna macalinka dalkiisa, madaama uu isna isagoo ciyaartooy ah horey ugu soo guulaystey koobka Aduunka hadane uu macalin yahay sanadkaan.
Dalka Holland oo lagu bartey ciyaar wanaag iyo xirfad sareysa ayaanan soo bandhigin ciyaartii ay la yeesheen xulka dalka Denmark, inkastoo ay ka badiyeen Danishka hadane ciyaartii lagu bartey ma lahayn heerkii ay joogtey.
Dal Spain oo la sadaalinayay inay xulkooda ku luqluqan doonaan xulka dalka Zwitzerland ayaynan dhicin kadib markii 1 goal iyo waxbo looga adkaaday, hasayeeshee waxaa la filayaa inay ka soo badin doonaan xulalka Chile iyo Honduras oo ay isku jiirooni yihiin.
Xulka dalalka Kuuriya ee ka qayb galaya sanadkaan ciyaaraha Aduunka ayaa ilaa hada soo bandhigay ciyaar wanaag iyo dadaal dheeri ah, halka dalalka Afrika uga qayb galaya ciyaaraha Aduunka aysan wanaagsanayn intooda badan marka laga reebo xulalka dalalka Ivory Coast iyo Ghana, balse Nigeria rajadeeda ma xuma .
Platini iyo Pele oo dagaal afka ah ku qaaday macalinka xulka Argentina Maradona
Brazil legend Pele oo wareysi bixiyay ayaa ku tilmaamay inuu Maradona macalinimada xulka dalka Argentina qabto xilkaas ay ku qasabtey ‘’sidii uu busaarada la soo daristey uga bixi lahaa’’, hasayeeshee xidiga kubadda cagta dalka Argentina Diego Maradona ayaa si caro leh uga jawaabay maanta mar uu warfidiyeenada kula kulmay garoonka inta aysan bilaabin ciyaartii xulkiisa kaga badiyeen dalka South Korea.
Wuxuna yiri ‘’ Pele waa inuu dib ugu laabtaa Museum- ka’’ oo ula jeedey nin ka dhacsan Taariikhda. Diego Maradona ayaa hadane ka hadlay war ka soo yeeray Uefa President Micheal Platini oo Maradona awoodiisa macalinimo shaki galiyay( Coaching ability). Maradona aniga marnaba lama yaabayo warka ka soo yeeray Platini waayo waligeenba iskuma aanan wanaagsanayn xiriirkeena waana kale durugsanayn laakinse wax ka badan Salaan (Hello) iyo Nabaday ( Goodbye) nagama dhaxaynin labadeena, hasayeeshee kuligeen waanu wada ognahay sida ay Faransiisku iyo Platini yihiin waayo Platini waa Faransiis, wuxuuna rumaysan yahay inuu dadka dhan ka fiican yahay.
‘’Anigu ma doonaya inaan ka sii murmo waxa dadka dhan ay ka sheegayaa kubadda lagu ciyaarayo sanadkaan ciyaaraha Aduunka ( Adidas jabulani ball), waxaase muhiimadu tahay inaan waydiisto Pele iyo Platini inay ku ciyaaraan kubaddatan islamarkaana u eegaan si dhaw, si ay u arkaan inay tahay mid fiican ama mid xun, waana inay joojiyaan sida xun oo ay kaga hadlayaan waxyaabaha aniga ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay’’ Maradona.
FIFA, Platini iyo Pele oo isku dhinac ah ayaa laga wada dharagsan yahay colaada ay u qabaan xidiga kubadda cagta Aduunka Diega Maradona, tusaale Maradona waxa u taageero weyn iyo aqoonsi buuxa ka haystaa bulshada jecel Kubadda cagta, halka FIFA elite ay mar walbo sameeyaan waxyaabo lagu colaadinaayo Maradona tusaale Maradona oo dhaliyay Goalkii ugu quruxda badnaa koobka Aduunka 1986 kadib markii codeeyeen dadka wax ka qora ciyaaraha hadane cod buuxa oo loogu qaaday inuu yahay laacibka dunida ugu wanaagsan kadib markii cod bixin qadka internetka lagu qabtey uu ku soo baxay ayay FIFA waxay qaadaceen aragtida dadka isboortiga jecel oo labada marba Maradona codkooda siiyay,FIFA ayay soo sareen go’aan ka duwan iyagoo go’aansaday in goal ay dhaliyeen xulka Brazil 1970 u yahay goalkii ugu wanaagsanaa goalasha aduunka islamarkaana Pele u aqoonsaday inuu la qaybsado kaalinta koowaad Maradona, taasoo Maradona si caro leh uga horyimid go’aanka FIFA, Maradona waa nin qaba siyaasadaha ay ku shaqeeyaan FIFA iyo dalalka ugu awooda badan Isboortiga mid ka duwan, marka ay noqoto maamulka, waayo waxaa u aaminsan yahay siyaasadaha Bidixda fog labadiisa garab waxaa uu ku sawirtey CHE & Castro.
BUSH iyo USA banaanbaxyo looga soo horjeedo ayuu waxbadan kaga qayb qaatey dalkiisa Argentina iyo Vanzuela, madaxwaynahoodana waxa uu ugu yeeraa The Greatest Chaves’’. FIFA waxaa u qorshaysan hadii uu hadalka sii badiyo inay ganaax adag dul dhigto Maradona mana jecla inuu koobka Aduunka qaato isagoo Macalin ah.
NB; Qoraalka marka aan qorey kadib war ayaa isoo gaarey sheegaya in Platini warqad u qorey Maradona islamarkaana ka shaafiyay wararka laga qorey kadibna Maradona ayaa aqbalay kadibna raali galin siiyay madaama Platini dafirey xogta, laakinse Pele weli ma cafinin ayuu yiri Diego Maradona oo noqday macalinka koowaad ee kooxidiisa u soo baxdey wareega labaad.
FABIO CAPELLO OO KA CODSADAY FRANZ BECKENBAUER INUU U MUUJIYO XOGAA XUSHMAD XULKA ENGLAND
Capello ayaa aad uga carooday hadal ka soo yeeray ‘’Der Keiser’’ Franz Beckenbauer laacibkii xulka Qaranka dalka Germany iyo kooxda Bayer Munchen,, islamarkaana ka codsadey inuu u muujiyo xoogaa xushmad ah( Respect) xulka dalka England kadib markii uu ku eedayay in England xulkooda aysan dheelin kubad wanaagsan balse dheelaan ‘’Kick & rush’’. Macalinka xulka England Fabio Capello oo u dhashay dalka Italy ayaa aad ugu carooday hadalka ka soo yeeray ninka odeyga ah ee magaca iyo maamuuska ku leh kubadda cagta aduunka, waxana u yiri looma baahno marka aad ka hadlayso kooxo kale waxaa loo baahan yahay inaadan xushmada ka tagin oo aad ixtiraam siisa kooxaha oo dhan.
Ma aanan dheelin kubaddo dhaadheer waxaanse dheelnay baasaas gaagaban islamarkaana waxaan helney fursado badan, marka ma fahmin sida runta ah waxa uu sheegayo Beckenbauer ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Macalinka xulka England Fabio Capello oo culays badan ka soo wajahdey ciyaartii xulkiisa la yeeshay xulka dalka USA, Saxaafada dalka England ayaa culays badan ku haysa xulka dalkooda madaama ay sadaalinayeen inay gaari doonto ciyaarta finalka koobka Aduunka.
Fabio Capello oo ka careysan kubadda ka fakatey goalhayaha xulka England Robert Green ayuu isna ku soo biirey dadka ka cabanaya kubadda FIFA u xulatey in lagu ciyaaro ciyaaraha Aduunka, waxana u yiri Fabio ‘’ This is worst ball of all time’’ tani waa kubadii ugu xumayd waligeed’’, Xulka England ayaa walaac weyn ka qaba soo bixitaanka xulkooda wareega labaad iyo labada ciyaar ee u hartey kadib markii ay bareejo ku daah fureen ciyaartii ugu horeysay, waxaase la filayaa inay maalinta berito ciyaar adag kale hortagaan xulka dalka Algeria, iyadoo la filaayo in ciyaaryahanka Gereth Barry inuu safto markii ugu horeysay, halka aan la ogayn goalhayaha ku bilaabi doono ciyaarta, laakinse waxaa dadka intiisa badan qabaan in Green qaban doono goalka England, England waa inay badisaa ciyaarta berito ama ugu yaraan bareejo kale keentaa waa hadii ay rabto inay sii noolaato.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports editor of SSPAMEDIA
[email protected]
London
Comments
comments