Warar dheeraad ah oo ku saabsan iska hor’imaad muddo kooban socday oo xalay ka dhacay Muqdisho.
Bartamaha(Baladweyne):-Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan iska hor’imaad muddo kooban socday oo xalay qeybo ka mid ah Caasimada Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Dowlada KMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda.
Abaare saladii Ceshaha kadib ayaa dagaal la isku adeegsaday hubka qeybahiisa kala duwan ayaa ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Shibis iyo C/casiis halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowlada kMG iyo xoogaga ka soo horjeeda.
Lama oga qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadaasi, dagaalka ayaase ahaa mid qaatay Saacado kooban oo laga maqlayay daryanka madaafiicda xaafadaha kale ee ka fogaa dagaalka.
Xaalada ayaa saakay ah mid caadi ah, in kastoo wali laga maqlayo aaga dagaalka rasaas goos goos ah oo ay is dhaafsanayaan dhinacyadaasi.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa xaalada Magaalada u muuqatay mid dagan, balse jawiga xalay ayuu isku badalay mid dagaal.
Shacabka Muqdisho ayaa quus ka jooga dhex dhexaadin laga dhex sameeyo dhinacyada Dowlada kMG iyo xoogaga ka soo horjeeda oo iyagu midba midka kale doonaya in uu wiiqo awoodiisa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments