Waraaqo Digniin ah oo loo daadiyay Saraakiisha Xizbul Islaam ugu saraysa iyo dilal qaar lagu xukumay.
Bartamaha(Muqdisho):-Saraakiisha iyo Hogaanka sare Ee Xizbul Islaam ayaa guryahooda ka barakacay ka dib markii waraaqo digniina ah loogu daadiyay Deegaanadii ay ka daganaayeen Muqdisho.
Sida Warar xaqiiqda u dhow oo soo gaaray Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com ay sheegayaan waxaa waraqo lagu daadiyay Xarunta Xizbul Islaam ay ka daganyihiin Muqdisho Ee Isgoyska Baar Ubax.
Waraaqaha Digniinta ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku sawirnaayeen Bambo iyo Bastoolad islamarkaana ay ku qornayd hadalo loogu digayo Sheekh Xasan Daahir iyo Madaxda ka hoosaysa intaba.
Madaxda Xizbul Islaam ayaa loo sheegay in la dilayo dhammaan islamarkaana la xusay Magacyada Saraakiisha dilka lagu xukumay oo uu Xasan Daahir ugu horeeyay iyo Muuse Carale,Xasan Mahdi,Ismaaciil Cadow,Cumar Iimaan,Khadaad iyo Saraakiil ku dhow illaa 10-masuul ee ugu cad cad Xizbul Islaam.
Qoraalka hanjabaada ah ayaa la sheegay in lagu daadiyay Xarunta shirarka Saraakiisha Xizbul Islaam Ee Baar Ubax iyo Deegaanada ay sida gaar ah ugu noolyihiin Saraakiisha Xizbul Islaam.
Lama oga qoraalkan ujeedada ka danbeysa iyo hanjabaada dilalka mujinaya waxa ka danbeyn doono maadaama labada dhinac Alshabaab iyo Xizbul Islaam xurguf xoogan ay ka dhexeysay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments