War Deg-Deh ah:-Madaxweyne Shariif oo Muqdisho soo gaaray iyo Taangiyada Amisom oo lagu galbiyayay.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Soomalaiya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa daqiiqado ka hor ka soo dagay Garoonka Muqdisho iyadoo Taangiyada Amisom lagu soo galibiyay.
Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta la socotay ayaa waxa ay soo raaceen gawaarida qafilan Ee Ciidamada Amisom iyadoo Taangiyada Amisom lagu galbiyay.
Saaka aroortii hore ayay Ciidamada Amisom taangiyo aan horey loo arag soo dhigeen wadada isku xerta Garoonka Muqdisho illaa Madaxtooyada halkaasi oo shacabka loo diiday in ay dhaqaaq sameeyaan.
Abaara 12:15-mirir ayay soo dagtay diyuuradii waday Madaxweynaha iyo Wasiirada la socday taasi oo daqiiqad gudaheed garoonka uga duushay.
Kolanyada gawaariga qafilan Ee Amisom ayaa durbadiiba uu soo racay Madaxweynaha iyadoo ay dhex ka soo raaceen Taangiyada Ciidamada Amisom oo garoonka Muqdisho illaa Madaxtooyada iska soo daba tixna.
Dadka dagan garoonka Muqdisho ayaa waxa ay www.Bartamaha.Com u sheegeen in aanay abid arag ilaalada xiligan madaxweynaha laga hayay oo kale.
Ammaanka la adkeeyay iyo imaanshaha madaxweynaha ayaa maanta waxa ay saamayn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ganacsiga caasimada iyadoo ay xerantay wadada kaliya ee Bakaaraha laga soo galo Ee Dabka.
Xiligii uu dalka ka baxayay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sagootiyay Madaafiic iyo weerar gaadma ah taasi oo maanta ay ka hortageen Ciidamada Amisom oo aan sedan oo kale u sugin ammaanka Madaxweynaha iyo wadada uu marayo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments