3 Nin oo Soomaali ah oo lagu Dilay Magaalda Minneapolis
Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in shilku uu la xiriiro fal burcadnimo, oo la doonayay in xalay lagu dhoco goob ganacsi oo ay lahaayeen labada wiil ee isla dhashay.
Dilkan ayaa argagax ka abuuray jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota, oo ah tan ugu ballaaran dalka Mareykanka. Warar aan la xaqiijin ayaa VOA-da u sheegay in dhagar-qabayaasha ka dambeeyey falkan ay yihiin Soomaali ka tirsan kooxaha gaangiistarrada ah ee ka qaraabta gobolka Minnesota.
Cabdullahi Cabdi Warfaa, oo ay walaalo yihiin labada wiil ee la dilay, ayaa sheegay in falkan uu isaga si gaar ah u xanuujiyey. Wuxuu sheegay inuu isagu booqasho kooban uga yimid dalka Ingiriiska, oo uu deggan yahay, wuxuuna sheegay inuu aad uga tiiraanyooday in walaalihiis dilkooda uu markhaati ka noqdo.
Booliiska Minneaplis ayaa sheegaya inay baaritaan ku wadaan arrintan, isla markaana sharciga lasoo taagi doono dambiilayaashii geystay falkaas burcadnimada ah.
Wixii faahfaahin ah oo kasoo kordha waxaan idiin ku soo gudbinayanaa www.Bartamaha.com
Comments
comments