WAR DEG DEG:- Ciidamada Somalida iyo Kuwa AMISOM oo kusii jeeda Jowhar
Wararka aan ka helayno gobolka Shabelladda Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kusii jeedaan magalada Jowhar ee xarunta Shabeladda Dhexe.
Dadka deegaanka Balcad ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamada dowlada iyo AMISOM ee daganaa Balcad ay u ruqansadeen dhinaca iyo Jowhar subaxnimadii hore.
Magalada Jowhar waxa gacanta ku hayo kooxda Al Shabaab iyadoona ay kamid tahay dhowr magaaloyin oo gobol madaxeed oo gacantooda ku hartey.
Al Shabaab ayaa laga qabsaday magaalooyin waawayn oo kamid tahay Marka, Baladweyn iyo Kismaayo iyadoona hada u egtahay iney Jowhar ku xigto.
Awooda Al Shabaab ayaa hoos u dhac wayn ku yimid tan iyo markii la diley hogaamihii sare ee Al Qacida Geeska afrika iyadoona sanadkii hore ayaay aheed markii ay iskaga baxeen magalada Muqdisho taas oo ku macneeyeen xeelad dagaal.
Comments
comments