Calendar

War Deg-Deg ah:Ururka Xizbul Islaam oo ku dhawaaqay seeriga dagaal meel walba ka qarxa oo lala galo Kooxda Al-shabaab..

xizbul IslaamBartamaha(Kismaayo):-Ururka Xizbul Islaam ayaa ku dhawaaqay dagaal guud oo lala galo Kooxda Alshabaab ka dib dagaalkii saaka ka bilowday Kismaayo oo masuuliyada Alshabaab dusha laga saaray.

Sheekh Ismaaciil Xaaji Cadow Afhayeenka Golaha Shuurada Xizbul Islaam ayaa si cad u sheegay in Alshabaab ay kul daglaamayaan meel walba oo ay joogaan ka dib weerar uu sheegay in saaka lagu soo qaaday Fariisinada Xizbul Islaam Kismaaayo.

Afhayeenka Shuurada ayaa ku Eedeeyay Kooxda Alshabaab in ay doonayso xukun afduub ah islamarkaana ay saaka soo weerareen fariisinada Ciidamadooda ay ka daganyihiin Magaalada Kismaayo.

Sheekh Cadow Afhayeenka Shuuracada Xizbul Islaam ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilaabanayo meel walba oo ay joogaan Ciidamada Xizibga maadaama weerar gardaro qaawan uu ku sheegay lagu soo qaaday xeryaha Ciidamada Xizbiga uu ku leeyahay Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan Ciidamada Xizbul Islaam meel walba oo ay joogaan in ay isku diyaariyaan dagaal lala galo Koxda Alshabaab oo uu sheegay in ujeedooyin kale ay ka leedahay Dagaalka Magaalada Kismaayo.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli weli M agaalada Kismaayo ay ka dhacayso rasaasta dagaal in mudda ah laga cabsi qabay kaasi oo u dhexeeyo Maleeshiyaadka Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: