War Deg-Deg ah:Diyaaarado duqeyn ku dilay saraakiil Ajaanib Alshabaab ka mida Gobolka Sh/Hoose.
Bartamaha (Baraawe) Diyaarado loo malaynayo in Maraykanka laga lahaa ayaa duqeyn u geystay gaari ay saarnaayeen Saraakiil sare oo ka mida Ajaanibta Alshabaab ka barbar dagaalanta Deegaanka Roobow Degmada Baraawe Ee Gobolka Sh.Hoose.
Warar Xaqiiq ah oo soo gaaray Xafiiska www.Bartamaha.Com,Muqdisho ayaa sheegaya in abaara 3:00-galabnimo Ee Maanta Diyaarado gaarayay illaa 6-Diyuuradood ay duqeyn u geysteen gaari ay saarnaayeen saraakiil 4-ahayd oo Ajaanibta Alshabaab ka mida.
Wararka ka imaanaya tuulada Roobow oo ku dhow Degmada Baraawe ayaa sheegaya in halkaasi ay duqeyn ka geysteen diyaarado jihooyin kala duwan ka yimid kuwaasi oo mid ka mida ay madaafiic la bartilmaamedsatay gaari ay la socdeen Saraakiishaasi.
Gaariga ayaa la xaqiijiyay in uu bur-buray iyadoo halkaasi ay ku soo dageen diyaarado nuuca Helcopterada ah islamarkaana ay qaateen qaar ka mida hubnaha jirka illaa 4-Ajaanib ah oo halkaasi lagu dilay.
Sida uu noo xaqiijiyay sargaal sare oo Alshabaab Sh/Hoose ka mid ah kaasi oo magaciisa ka gaabsaday iyadoo uu tilmaamay in ragga la duqeeyay ay ahaayeen waxa uu u yaqaano Muhaajiriinta ka bar-bar dagaalnta Alshabaab.
Wixii Faah-faahin intaasi dheer kala soco oo haka dheeraan www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments