Calendar

War Deg-Deg ah:Dagaalkii Kismaayo oo joogsaday iyo Gurmad soo gaaray Xizbul Islaam.

KismaayoBartamaha (Kismaayo) Dagaalkii Xooganaa Ee Saka aroor hore ka bilowday Magaalada Kismaayo ayaa isgaatay iyado gurmad xoogan uu so gaaray Xizbul Islaam.

Wararka xiligan naga soo gaaraya Bartamaha Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu isgaatay Dagaalkii xooganaa Ee Saaka aroortii hore ka bilowday Magaalada Kismaayo .

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa auu dhacay barqanimadii maanta ka dib markii Xoogaga Caanoole ay dagaalka ku soo biireen markii Alshabaab ay la wareegeen fariisinada Sheekh Axmed Madoobe Islaam uu ku lahaa xaafadaha bariga Kismaayo.

Ciidamada Alshabaab ayaa la xaqiijiyay in dagaalka maanta dhacau dhankooda weerarka ay qadeen islamarkaana ay kula wareegeen fariisino ku yaalat Bartamaha iyo bariga Magaaladaasi.

Xaalada ayaa u muuqata mid xasiloon wallow aan la isku haleyn Karin jawiga Magaalada maadaama weli la maqlayo rasaas meelaha qaar ka dhacaysa taasi oo muujinaysa in Magaalada la isla joogo.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay magaalada soo galeen Ciidamo ka yimid dhanka Degmada Afmadow kuwaasi oo ka tirsan Ciidamada Xizbul Islaam oo laga yaabo in xaalada dagaalka ay wax ka badalaan.

Ciidamada Magaalada soo galaya aya waxaa la sheegay in ay isugu jiraan Xarkooyinka Caanoole iyo Raas-Kamboni wallow la xaqiijiyay in saaka dagaalka ay ka bexeen Ciidamadii Raas-Kambooni amar la sheegay in Xasan Turki uu ka soo baxay.

Isku soo duube Jawiga Magaalada ayaa hadda ah mid aan Madaafiic laga maqlayn sidii Saaka illaa xiliyadii duharada uu ahaa wallow aan la saadaalin Karin Xaalada sida ay sii ahaan doonto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: