Calendar

War Deg Deg ah:Dagaal xoogan oo ka socanaya gudaha Magaalada Baladweyne.

breaking-news bartamaha1Bartamaha(Baladweyne):- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow uu halkaasi dagaal cusub uu ka bilowday,kaasi oo galay maalinkisii 3-aad.

Dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta ay is waydaarsanaayaan dhinacyada isku haya Baladweyne ayaa waxaa si weyn looga maqlayaa guud ahaan gudaha iyo daafaha Baladweyne.

Dagaalkani ayaa waxa uu dhaxeeyaa ururka Xisbul Islaam iyo Ahlu-sunah waljamaaca, kuwaasi labadii maalin aynu soo dhaafnay cidba mar magaaladaasi gacanta u galeysay, walaw saakay ay magaaladu iyo shacabka ku nool markle ku waabariisteen dagaal xoogan oo socanaya.

Magaalada Baladweyne ayaa marba koox ay qabsanaysaa iyadoo aanay jirin koox si rasmi ah awood ugu qabsatay magaaladaasi baladweyne.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: