WAR DEG DEG AH:Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gobalka Hiiraan.
BARTAMAHA (Muqdisho):-Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad ufarabadan ayaa soo galay gudaha dalka Somalia kadib markii ay Xoogaga Islaamiyiin ah ku dagaalameen Gobalkaasi.
Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa xaqiijinaya in Boqolaal katirsan Ciidanka Itoobiay ay kasoo gudbeen deegaanka Kalabayrka gobalka Hiiraan.
Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegay in Ciidanka Itoobiya ay ku qalabaysanyihiin 10 Baabuur oo ah nuuca Uralka loo yaqaan.
Ciidankan Itoobiya ee Ciidda Somalia kusoo xad gudbay ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen deegaanka Feer Feer Islaamulka Somalida Itoobiya.
Itoobiya ayaan weli faraha kala bixin Somalia xilli ay Kooxaha Islaamiyiinta Somalia ay ku dagaalamayaan Gobalada dhexe ee Somalia.
Majiro wax War ah oo kasoo baxay Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Xoogaga Islaamiyiinta ah ee Hiiraan ku sugan.
BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia
Comments
comments