War degdeg ah: Weerar loogu dhacay gudaha Villa Soomaaliya.
Bartamaha(Muqdisho)-Wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan kooxaha mucaardaka ay caawa saacadu markay ahayd 7dii fiidnimo ay weerar ku qaadeen xarunta Villa Soomaaliya.
Warar lagu kalsoon yahay oo bartamaha uu ka helay qaar kamida dadkii goob joogayaasaha ahaa ayaa sheegay in abaarihii 7dii fiidnimo wakhtiga Muqdisho ay kooxo hubeysan oo ka tirsan maleeshiyada Al shabaab oo dagaal ba’an kula jirta DFKMG ee Soomaaliya ay rasaas ku fureen dhismaha madaxtooyada kadib markii ay xoog uga soo daateen darbiga dheer eek u hareeraysan aqalka madaxtooyada Soomaaliya.
Ciidamada nabad ilaalinta ee midawga afrika ayaanan ka jawaabin weerarkaasi iyagoo, jawaab la’aantaasina ku micneeyay ineysan xarunta gudaheeda ku sugnayn madaxdii dawlada KMG ee Soomaaliya oo inta badan amarada siin jirey ciidamadaasi halka madaixii nabad galyada ee Villa Soomaaliyana uusan saacaddu weerarka dhacayay ku sugnayn xarunta madaxtooyada, iyadoo warar hoosana ay sheegayaan in markii la wacay ay taleefanadiisa dansanaayeen.
Dhinaca kale markii ay maleeshiyadaasi weerarka soo qaaday kadib ayaa ugu dambeyntii ciidamada ammaanka ee Villa Somalia waxay ku guulaysteen iney maleeshiyaadkaasi ka bixiyaan darbiga ku hareeraysan villa Somalia oo markii hore maleeshiyadani ay gudaha u soo galleen.
Si kastaba ha ahaatee weerarkani ayaa waxa lagu soo qaaday aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo ah halka xudunta ah dawladda uu hogaamiyo madaxweyne Sheikh Shariif oo xaafado fara ku tirisa gacanta ku haysa, halka inta badan ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ee Al shabaab iyo Xisbul Islaam.
Ilaa iyo hadda lama sheegin cid dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi, inkastoo werrarku uu kusoo beegmayo xilli madaxda DFKMG ee Soomaaliya ay u ambabaxeen magaalada Istanbul e dalka turkiga oo kasoconayo shir caalmiya oo looga hadlayo mushkiladaha loo maara la’yahay ee ka taagan sOoomaaliya tan iyo 1991.
Bartamaha, Somali Breaking News and Video Community.
Comments
comments