War Deg-Deg ah:-Qaban qaabada Aas-qaran oo lo sameeyo Wasiiradii Shalay qaraxa lagu dilay oo ka socanaysa Villa Somalia.
Bartamaha(Muqdisho):-Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka socanaya qaban qaabadii ugu danbaysay aas-qaran oo loo sameeyo Wasiiradii shalay lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho.
Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka socanaya qorshe aas-qaran loogu samaynayo wasiiradii shalay lagu dilay qaraxii Ismidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotelka Shamow Muqdisho.
Waxaa la xeray dhammaan wadooyinka soo gala Xarunta Villa Soomaaliya illaa School Policia halkaasi oo la filayo in uu ka dhaco aaska wasiiradii shalay qaraxa lagu dilay ee Magaalada Muqdisho.
Madaxda ugu saraysa Dowlada Soomaaliya ayaa ka qeybgalaysa Aaska la filayo in la qabto ka dib Salada Jimcaha iyadoo Ababulka aaska qaran uu yahay mid dhamaad ah oo Madaxda Dowlada ay Janaasada isku diyaarinayaan.
Wixii ku soo kordha Aaska qaran kala soco www.Bartamaha.Com Insha Allaah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments