Calendar

War Deg-Deg ah – Mid ka mida Saraakiishii Faransiiska Ee dhawaan la afduubtay oo la xaqiijiyay in uu ka baxsaday kooxihii gacanta ku hayay.

breaking newsBartamaha (Muqdisho):-Mid ka mida lahaystayaashii Faransiiska ayaa la shaaciyay in uu ka baxsaday gacanta afduubayaasha Islaamiyiinta ah.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay baahiyeen warbaahinta Caalamka iyo mid aynu ka helnay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay in mid ka mida Saraakiishii Faransiiska ahaa Ee dhawaan la afduubtay uu baxsaday.

Saraakiil Faransiis ahayd oo dhawaan laga soo afduubtay Hotelka Saxafi Ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in mid ka mida uu ka baxsaday gacanta Kooxaha Islaamiyiinta Mucaaradka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Sargaalka baxsaday uu ka cararay Ciidamadii gacanta uu ugu jiray kuwaasi oo la xaqiijiyay in ay ku hayeen Isgosyka Frolenca Ee Degmada Wardhiigley oo aan ka fogayn Xarunta Madaxtooyada.

Sargaalka Baxsaday ayaa la sheegayaa in uu isagoo cararaya uu xalay saqdii dhexe gaaray Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya wallow aan illaa haatan la faah-faahin qaabkii uu u soo baxsaday.

 

Wixii warar ah Ee ku soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: