War Deg Deg ah:- Shabaab oo duqeysay Buulo-Xaawo.
Bartamaha (B/Xaawo):- Madaafiic xoogan ayaa Caawa lagu garaacay Gudaha Degmada Baladxaawo Ee Gobolkaasi Gedo.
Madaafiic xoogan oo u badan Hoobiyayaal ayaa la soo sheegayaa in Caawa lagu garaacay gudaha Degmada Baladxaawo Ee Gobolkaasi Gedo halkaasi oo ay haystaan Ciidanka Dowlada.
Madaafiicda oo ay soo tuurayeen Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhaceen gudaha iyo Daafaha Degmadaasi Buulo Xaawo Ee Gobolka Gedo oo ay dhawaanahan isku horfadhiyeen shabaab iyo Dowlada.
Madaafiicda lama oga qasaaraha ay sababeen wallow la xaqiijiyay in Shabaabka ay masuuliyada duqeynta Caawa ay lahaayeen iyadoo xaalada Deegaanka ay u muuqanayso mid dagan balse aan la isku halayn karin.
Wixii ku soo kordha Xaalada Baladxaawo kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments