read more »">
Calendar

War Deg-Deg ah:-Laba gaari oo isku qarxisay meel ku dhow Hotelka Ambasador iyo Saraakiil si dirqi ah u badbaaday(Fillo Sawirada goor dhow).

DSC01422Bartamaha (Muqdisho):- Laba gaari ayaa ku qarxay muddo yar ka hor Hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho halkaasi oo qasaara kala duwan uu ka dhashay.

Labada qarax oo daqiiqdo yar kala danbeeyay ayaa waxa ay ka dheceen wadada u dhexeysa Shaqaalaha iyo KM.4 gaar ahaan meel ku dhow Hotelka Ambasador iyadoo dad badan ay ku la’deen qaraxaasi ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama.

Kolonyo la sheegay in uu la socday Wasiiro Dowlaha gaashaandhiga Indha Cadde ayaa qaraxyada lala maaganaa iyadoo uu ka badbaaday sida warka aynu ku helnay.

dad badan ayaa ku la’day qaraxa oo ay ku jireen ganacsatada wadada hareeraheeda dagan waxaana gabi ahaan burburay dhismayaal sida Hotelka Ambasador,Daaru Shiffaa,Xarunta Amal bank ee Trea biyano iyo shirkado kale oo wadada ahaa.

Wixii soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: