Calendar

War Deg-Deg ah:-Kulan Xasaasi ah oo ka socanaya Villa Somalia.

Villa_Somalia1

Bartamaha (Muqdisho):- Kulan albaabyada loo laabay ayaa ka socanaya Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu u socanayo Madaxweyne Shariif iyo qaar ka mida Wasiirada Dowlada oo ay Kooxdii Isbahaysiga ka soo wada jeedeen.

Sida uu www.Bartamaha.Com u sheegay Masuul ka mida wasaarada Warfaafinta waxaa kulan xasaasi ah u socanayaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiiro Caan ah oo la hadal haayo in ay waayeen kuraastooda.

Madaxweynaha ayaa waxa uu wadaa isku day ku aadan sidii uu u qancin lahaa Wasiirada kala ah :-

Wasiirka Cadaalada C/raxmaan Janaqow.

Wasiirka Arimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar.

Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele iyo

Wasiiro kale oo aan illaa haatan la ogaan magacyadooda oo shirka la qaadanaya madaxweynaha.

Dhamaman wasiiradan ayaa la hadal haayaa in ay iska waayeen Liis uu saacadaha soo aadan ku dhawaaqi doono Dr.Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Xukumada KMG ah oo go’aansaday in uu soo dhiso Xukumad Cusub iyo Isku shaandheyn guud uu sameeyay.

Kulanka socanaya ayaa waxa uu yahay mid albaabyada loo laabay waxaana la hadal hayaa in war culus ay ka soo saari doonaan wasiirada la hadal hayo in booska laga saaray.

Wixii soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco Insha allah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: