Calendar

War Deg-Deg ah:-Kooxo hubaysan oo Caawa dil u gestay Masuul ka mida Hay’adda DBG Deegaanka KM.13.

cumar fiyaasko 1Bartamaha (KM.13):- Kooxo hubaysan ayaa caawa fiidnimadii waxa ay deegaanka KM.13 ay ku dileen masuul sare oo ka mid ahaa Hay’adda Wadaniga ah Ee DBG.

Kooxo watay Laba gaari oo nuuca Muraayadaha Madow ayaa caawa Fiidnimadii waxa ay deegaanka KM.13 ku dileen Col.Cumar Maxmuud Fiyaasko oo ka mid ahaa saraakiisha hay’adda DGB Somalia.

Xiliga Marxuumkaasi dilka lagula dhaqaaqayay ayaa waxa uu ku sugnaa Afaafka hore Ee hoyga uu ka daganyahay Deegaanka KM.13  halkaasi oo 5-ruux oo gawaaridaasi ka soo dagtay ay rasaas huwiyeen.

Xaalada Deegaanka KM.13 ayaa ah mid aad u kacsan Caawa iyadoo la maqlayo dhawaqa rasaasta ay ridayaan Ciidamada Ilaalada Xarunta Hay’adaasi iyo kuwa Xarakada Alshabaab oo fariisino ku leh Deegaanka.

Wixii warar ah Ee ka soo baxa dilkan  loo geystay Col.Cumar Fiyasko oo ahaa 65-jir ka mid ahaa howl-wadeenada hay’adda DBG Somalia kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: