read more »">
Calendar

Soomaaliya oo dib heshay dhismihii Safaarada Soomaaliya Ee Kenya (Daawo Video iyo Sawiro cajiib ah)

DSC_1004Bartamaha (Nairobi):- Maxkamada Sare Ee Kenya ayaa Maanta go’aan ka gaartay Muran hore u taagnaa Milkiyada  Gurigii Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Kenya oo hore sharci daro loogu gatay.

Dacwad Soomaalida ay furtay xilli hore balse uu Calanka dhawaan u qabtay Ambasador Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa maanta guusheeda la helay.

Maxkamada sare Ee Dalka Kenya ayaa maanta si rasmi ah go’aan uga gaartay Dacwad ka dhaxaysay ganacsade Hindiya u dhashay iyo Safaarada Soomaaliya Ee Kenya oo dalbanaysay in hantida qaranka Soomaaliya lagu soo wareejiyo.

Maxkamada ayaa waxaa wada taagnaa ninkii ganacsadaha ahaa Ee u dhashay Hindiya iyo Safiirka iyo Qunsulka Soomaaliya oo wakiil ka ahaa Umada Soomaaliyeed oo hantodooda mudada sharci darada lagu haystay.

Dacwad iyo dood ka dib iyo Maxkamada oo dhagaysatay dhacdadan ku aadan Milkiyada Dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa waxaa jawaabta soo baxday ee Maxkamada go’aankeeda ku aadanaa ay noqotay in Safaarada sharci ahaan loo siiyo Soomaalida .

Xukunka Maxkamada riday waxaa aad u soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambasador Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo farxad ay ka muuqatay xiliga uu safaaxada kula hadlayay gudaha Maxkamada sare eE kENYA.

Sidoo kale waxaa soo dhaweeyay Xukunka Maxkamada Sare Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Xaaji Liibaan iyo Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cismaan Edson.

“Maanta waa taariikh farxad leh oo Soomaaliya soo martay …waan ku faraxsanahay helitaanka dhismaheenii waana dadaal aan guul ku gaarnay oo muddo aan soo wadnay …” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Maxkamada markii go’aanka ay gaartay oo Soomaalida loo xukmiyay dhismahooda ayaa waxaa Ninkii ganacsadaha Hindiga ahaa uu dalbaday Abiil wallow Maxkam,ada ay goobtiiba kula gacan sayrtay taasi oo farxad kale u noqotay Soomaalida.

Farxad,dabaal dag iyo dareen wadaniyadi ku jirya ayay ku dhaqaaqeen Soomaalidii tagtay Maxkamada waxaana durbadiiba ay u dhaqaaqeen gurigii ay sharciga u lahaayeen oo 15-Sano ka hor uu Iibsaday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Kenya Axmed Sheekh Maxamuud oo ganacsade Hindi ah ka gatay guri qaranka lahaa sanadii 1994-tii.

Dhismaha rasmiga ah Ee Safaarada Soomaaliya markii ay gaareen Masuuliyiintii iyo Shacabkii Soomaaliyeed ayaa waxa la waayay cid albaabka ka furta waxaana gudaha isku soo xeray dad daganaa dhismaha Qaranka lahaa ee la gatay wallow taasi ay ku qasabtay Soomaalidii in ay go’aan gaaraan.

Sida Video-ga kaaga muuqan doona Sawiradana aad ka arki doontid waxaa Soomaalida ay bilaabeen in ay jabiyaan Albaab furihiisa aanay haysan oo muddo 15-sano ka hor qof Soomaali ah ugu danbeysay.

Albaabkii ayaa awood loo adeegsaday markii Qufulkii uu jabi waayay markii hore waxaana mar quraooda soo jabsaday Soomaalidii ku faraxsanayd dib u helida Milkiyada dhismaha Safaarada Soomaaliya Ee Kenya.

Arinta la yaabka ah ayaa noqotay markii ALLAAH uu kulmiyay soo jabinta albaabka iyo soo galida Soomaalida oo Roob cirka ka soo hooray waxaana farxad sii dareemay dadkii ku jiray Safaarada oo kulansaday Raxmada Eebe Ee Roobka iyo helitaanka guri Xaq ay u lahaayeen Soomaalida oo muddo awood loogu haystay.

Waxaa mar kale goobta ku hadlay Safiirka Soomaaliya Cali Ameeriko iyo Qunsul Edson oo labadaba farxadooda mar kale muujiyay in ay dhex istaageen guri muddo awood sharci dara ah looga haystay.

Qunsul Edson ayaa waxa uu u mahadceliyay Rabbi ha u naxariistee Ambassador Muuse Xirsi Faahiye oo uu xusay in loo xeray ehelkiisa iyo isagana difaacida dhismahan safaarada leedahay waxaana uu sidoo kale amaanay dadaladii ay sameeyeen rag kale oo Soomaali ah.

Dadaal muddo dheer soo socday ayaa waxaa mira dhaliyay maanta Ambasador Cali Ameeriko iyop Qunsul Edson oo labadaba guul muuqata soo hooyay markii dadaal aan yarayn ay ku bixiyeen dib u helida dhismaha Qaranka lahaa balse nin uu sharci daro ku Iibsaday.

DAAWO SAWIRADA IYO VIDEO-ga:-


Ninkii gatay Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo Maxkamada fadhiya

Ninkii gatay Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo Maxkamada fadhiya

Safiirka Soomaaliya ee kenya

Safiirka Soomaaliya ee kenya

Ali Ameeriko oo saxaafada la hadlaya

Ali Ameeriko oo saxaafada la hadlaya

Safiirka oo ka hadlaya Maxkamada sare horteeda

Safiirka oo ka hadlaya Maxkamada sare horteeda

Ali ameriko

Ali ameriko

 Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Xaaji Liibaan

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Xaaji Liibaan

Al fanaan Shiine Akhyaar

Al fanaan Shiine Akhyaar

Calankii Soomaaliya iyo Masuuliyiinta

Calankii Soomaaliya iyo Masuuliyiinta

Bahda warbahinta

Bahda warbahinta

Ambasador Cali ameeriko oo faraxsan

Ambasador Cali ameeriko oo faraxsan

Ali Ameeriko iyo C.Salaan Caato oo is marxabaynaya

Ali Ameeriko iyo C.Salaan Caato oo is marxabaynaya

Warfidiyeenada

Warfidiyeenada

Albaabka oo qufulka la jabinayo markii fure la wayay

Albaabka oo qufulka la jabinayo markii fure la wayay

Jabinta qufulka

Jabinta qufulka

Albaabka Safaarada ka hor inta aan dhulka lala simin

Albaabka Safaarada ka hor inta aan dhulka lala simin

Wariye C.risaaq Kampala oo tagan albaabka safaarada

Wariye C.risaaq Kampala oo tagan albaabka safaarada

dadaal loogu jiro furida albaabka

dadaal loogu jiro furida albaabka

Calanyahow ha dhicin Albaabka safaarada Soomaaliya

Calanyahow ha dhicin Albaabka safaarada Soomaaliya

Wariye C.risaaq Kampala oo Calankii Soomaaliya dusha u haya

Wariye C.risaaq Kampala oo Calankii Soomaaliya dusha u haya

Calanka Soomaaliya

Calanka Soomaaliya

Safiir Cali Ameeriko oo Calankii gudoomay

Safiir Cali Ameeriko oo Calankii gudoomay

Soomaaliyeey Toos oo la qaadayo

Soomaaliyeey Toos oo la qaadayo

Lacanka oo meel walba laga taagay

Lacanka oo meel walba laga taagay

Soomaalida oo ooda soo jabsatay

Soomaalida oo ooda soo jabsatay

Albaabka jabintiisa

Albaabka jabintiisa

soo galitaankii albaabka iyo roob jiha walba is qabsaday

soo galitaankii albaabka iyo roob jiha walba is qabsaday

Safiirka iyo Qunsulka oo biyaha raxmada roobka ku hoortay

Safiirka iyo Qunsulka oo biyaha raxmada roobka ku hoortay

Muuqaalka Safaarada Soomaaliya Ee Kenya

Muuqaalka Safaarada Soomaaliya Ee Kenya

Calanka Soomaaliya oo safaarada laga taagay

Calanka Soomaaliya oo safaarada laga taagay

Qunsulka oo hadlaya

Qunsulka oo hadlaya

Calankeenii Soomaaliya oo qabowsaday

Calankeenii Soomaaliya oo qabowsaday

DAAWO VIDEO-ga Safaarada:-

Xafiiska www.Bartamaha.com ee Nairobi.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: