War Deg-Deg ah:-Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo dhintay iyo Saraakiil sare oo dhaawac soo gaaray.
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Muqdisho ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Xaafada Afisyooni iyadoo dhaawac uu soo gaaray saraakiil kale oo ka mida Dowlada KMG ah.
Warar soo gaaray Xafiiska www.Bartamaha.Com Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ka dhacay Xaafada Afisyooni garoonka diyaaradaha Muqdisho ka dib ay ku dhinteen Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab iyo saraakiil kale halka dhaawac culusna uu gaaray masuul sare oo maamulka Gobolka ka tirsan.
Iska hor’imaad u dhexeeyay Ciidamada Dowlada ka wada tirsan oo qeyb ka mida garab ay ka helaysay dadka deegaanka iyo askarta Maamulka Gobolka ayaa ka dhacay barqanimadii maanta Xaafada Afisyooni Degmada Waabari Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxa uu yimid markii saaka ay mar kale gaareen xaafada Afisyooni ciidamo ay wateen saraakiisha maamulka Gobolka si ay u sameeyeen Burburinta dhismayaasha ku yaala hareeraha garoonka taasi oo dagaal xoosagn sababtay.
Goobta waxaa ku nafwaayay Axmed Maxamed Qoorleex Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo la socday madaxda Gobolka Banaadir waxaana dhaawac culus uu soo gaaray gudoomiye Xigeenka Gobolka Banaadir dhanka amniga C.Salaan.
Xaalada xerada Afisyooni ayaa ah mid kacsan waxaana goobtaasi gaaray Cidiamo ka amar qaata Madaxtooyada IYO kuwa Amisom markii saamayn uu dagaalka ku yeeshay howsha garoonka diyaaradaha Muqdisho oo rasaasta ay dad ku dhaawacday.
Wixii faahfaahin dheeraad ah www.Bartamaha.Com kala soco.
Xafiiska Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Mudisho-Somalia
Comments
comments