Calendar

War deg deg ah : General Service Unit oo kamida Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ooh awl galo balaaran caawo ka wada xaafada isii ee magaalada Nairobi.

GSUBartamaha — Laan kamida ciidamada ammaanka dalka Kenya ee loo yaqaano General Service Unit (GSU) ayaa caawo hawlo culus kawada inta badan xaafada islii oo hooy u ah kumaanka soomaalidaa ee deggan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Hawlgaladani ayaa waxaa ilaa iyo hada waxay ka soconayaan hoteelada iyo dhabaaoyinka ugu caansan xaafadda islii ee degmada kamamkunji.
Salaadii cishaha kadib markii laga soo baxay ayaa wadooyinka xaafada islii laga soo bilaabo 12th street ilaa iyo 3rd street waxaa soo buuxiyay cutubyo kamida ciidamada GSU oo watay baabuuro kala duwan oo ay kamid yihiin landrovers, looriyaal iyo gawaarida yaryarka ah ee ay caanka ku yihiin booliiska dalka Kenya.
Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay iney galeen ku dhawaad 10 hotel oo kamida hudheelada ugu caansan xaafadda islii oo ay kamid yihiin Andalus hotel, barakat hotel, hotel kaah, shariif hotel, safari hotel, gulf hotel, furqaan hotel iyo qaar kaloo badan.
Hoteladan ay caaway gudaha u galeen ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa la filayaa iney ka baarayaan qaar kamida dadka soomaalida ah ee looga shakisan yahay iney qeyb ka qaateen mudaharaad jimacadii dhaweyd ay muslimiinta Kenya ka sameeyeen bartamaha caasimadda Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo muslimiintu ay ku dalbanayeen in xabsiga laga sii daayo wadaad lagu magacaabo sheekh cabdala feysal oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Jamaica, kaasi oo Kenya lagu xirey dabayaaqadii bishii Dec ee sanadkii 2009.
Inta badan hotelada caawa ay ciidamada Kenya hawlagalada ka wadaan ayaa waxa ay deggaan u yihiin soomaali farabadan, waxayna hoteladani marti galiyaan  xildhibaano ka tirsan jamhuuriyadda soomaaliya, ganacsato soomaaliyeed, iyo sidoo kale tiro farabadan oo kamida jaalliyadaha soomaaliyeed ee dibedda ka yimaada.
Xiriir aan la sameeyay qaar kamida soomaalida deggan hotelada qaar ayaa waxay ii xaqiijiyeen in hoteladooda ay ka socdaan baaritaano xoog leh oo ay fulinayaan saraakiisha amniga Kenya iyo kuwa socdaalka oo si wada jira u hawllgalaya.
Xildhibaan cabdi cabdulle siciid Jinni boqor oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo aan kula xiriirey isagoo ku sugan hotelka uu Nairobi ka deggan yahay ayaa waxa uu ii xaqiijiyay in ciidamada ammaanka dalka Kenya ay baaris xoog leh ku hayaan hotel barakat oo uu xildhibaanku deggan yahay, waxa uuna xildhibaanku intaasi raaciyey in inka badan 20 sarkaal oo kenyana ay hotelkaasi baaris kawado.
Dhinaca kale cabdikariin wardhere oo kamida soomalida ganacsiga u soo aadey dalka Kenya rasmi ahaana uga yimid dalka Canada ayaa isaguna ii xaqiijiyay in hotelka uu deggan yahay ee andalus hotel ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo baaris xoog leh kawada hotelkaasi.
Si kastaba ha ahaatee mar aan soo marayay wadada 2nd Ave agagaarka 6th street oo ah halka uu ku yaallo masaajidka ugu weyn xaafadda islii ayna ku hareer yaallaan qaar kamida hotelada ugu caansan xaafadda islii oo ay kamid yihiin Hotel Kaah, safari, shariif iyo hotel Furqaan ayaa waxay indhahaygu qabanayeen ciidamo iyo baabuur aad u farabadan oo halkaasi la dhigeysi loogu fuliyo.

Mar aan soo marayay wadada 6th Street afaafka hore ee masaajidka abuubakr sidiiq ayaa waxay indhahaygu qabanayeen soomali farabadan oo isugu jira rag iyo dumar oo lagu gurayo baabuur ay wateen ciidamada booliska ee xabsiga Langatta oo ah halka uu ku xiran yahay wadaad reer Jamaica cabdalla Feysal.

Dadkii ay ciidamada ammaanka Kiinya qabsadeen ayaa waxaa kamid ah mudiir ama maamule mid kamida Dugsiyada islaamiga ah ee xaafada islii gaar ahaana wada jam Street oo lagu magacaabo Cali xeydar, hase ahaatee mar aan la xiriirey maamulka dugsiga uu wax ka dhigo ayaa waxay ii xaqiijiyeen in macalinkaasi la watay balse maamulka dugsigaasi ay wadaan dadaalo ay xeydar uga soo daayaan ciidamadii ka qabsaday afaafka hore ee hotel Kaah oo jihada bari ka xiga masaajidka abuubakar sidiiq ee xaafadda islii.

Dhinaca kale shacabka reer kenya iyo qaar farabadan oo kamida saraakiisha dawlada Kenya ayaa aaminsan in mudaharaadkii balaarnaa ee jimcadii gilgiley Faras magaalaha Nairobi ay ku lug lahaayeen soomaali farabadan oo xiriir dhaw la leh kooxda mayalka adage e al shabaab waa sida hadalka ay u dhigeene.
Proff George saitoti oo ah wasiirka amniga gudaha dalka Kenya ayaa shalayto ka dhawaajiyay in xoogag ajaaniba ay ku lug lahaayeen mudaharaadkii salaadii jimcada kadib ka dhacay magalada Nairobi.
Ugu dambeyntii waxaa xaqiiqo ah in mudahardkaan ay soo agaasimeen shucuubta islaamka ah oo ay ubadan yihiin ku dhalshadoodu ay tahay reer Kenya, balse waxan iyana meesha ka marneyn iney ku jiri karaan tiro aan sidaa u badneyn oo soomaaliya oo dalkaan qaxooti ku ah, taasina waxay ku tusinaysaa in wixii Kenya gudaheeda ka dhaco dusha looga tuuri karo shacbiga soomaaliyeed oo aan lahayn xukuumad ka hadli karta dhibaatada soomaalida ku qabsanaysa dibeda dalkooda oo ay ugu horeeyaan wadamada deriska.
Arinta Kenya ay hotelda soomaalida iyo xaafadaha islii ku galayso ayaa waxay tahay mid ku qotonta oraahdii soomaaliyeed ee oranaysay, Miskiinkaa Misko la Fuulo leh.

Xafiiska Bartamaha Nairobi

Comments

comments

Category : KENYA, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: