War Deg-Deg ah: Dr.Cumar C/Rashiid Sharma’arke oo shaaciyay in uu yahay Ra’iisul Wasaaraha sharciga ah
Bartamaha (Muqdisho) Dr. Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee shalay xukumadiisa la kala diray ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu yahay Ra’iisul Wasaaraha rasmiga ah.
Shirjara’id uu qabtay Dr.Cumar C/rashiid markii uu la kulmay Golahiisa Wasiirada ee shalay la kala diray ayaa waxa uu shaaciyay in uu yahay Ra’iisul wasaaraha xiligan ka shaqeynayay Dalka.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Xukumadiisa ay tahay mid dhisan oo aan weli dhicin isalamarkaana ay shaqadeeda qabsan doonto Xukumada Soomaaliya maadaama aanay jirin sida uu sheegay sharci lagu kala diray xukumadiisa.
Dr.Sharma’arke ayaa sheegay in aanu xilkiisa qaadi Karin Sheekh Aadan Madoobe ama Sheekh Shariif haddii aanay u helin sharciyad buxda sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul Wasaarihii shalay xukumadiisa la kala diray Cumaar C/rashiid ayaa ugu dambayntii sheegay in haddii la aqbalo hadalka Aadan Madoobe ama Madaxweyne Shariif uu jidaynayo in Gudoomiye Baarlaman uu qof walba xilka ka tuuro.
Xiliga uu hadlayay Cumar C/rashiid jeedinayay ayaa waxaa la fadhiyay qaar ka mida Wasiiradiisa sida Wasiirka Warfaafinta,Amniga Qaranka iyo Arim,aha Gudaha.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments