Calendar

War Deg-Deg ah:-Dagaalo qaraar oo dib uga qarxay Tuulada Warxoolo Gobolka Ee Gal-gaduud.

breaking-newsBartamaha(Wabxo):-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in dagal xoog leh uu saaka dib uga bilowday tuulada Warxoolo oo u dhow Deegaanka Wabxo.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday saaka aroornimadii hore iyadoo Ciidamada Ahlu sunnah ay ku dhawaadeen la wareegida Deegaankaasi Warxoolo oo ay Alshabaab joogi jireen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay isweydaarsanayaan hubka fudud iyo midka Culus oo laga maqlayo Deegaano badan sida Ceel-Buur.

Lama oga qasaaraha kala gaaray labada koox Ee ALshabaab iyo Ahlu sunnah oo dhawaanahan dagaal ku galayay Deegaano ka mida Gobolka Gal-gaduud oo ay Ahlu sunna ku xooganyihiin.

Dagaalka ayaa weli socanaya iyadoo aan la saadaalin Karin cidda Deegaankaasi gacanta ku qaban doonta maadaama la isku hayo kala qabsiga Deegaanada Gobolkaasi.

 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: