War Deg-Deg ah:-Dagaalkii ka socday hareeraha Madaxtooyada oo sii xoogaystay.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkii Labadii Cisho ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ayaa sii xoogaystay kaasi oo qasaara badan uu shacabka ka soo gaaray.
Dagaalkii ka socanayay Degmooyinka Shibis,C.Casiis iyo Boondheere ayaa saaka sii xoogaystay waxaana si toos ah ugu biiray dagaalka Ciidanka Amisom oo dhufaysyadooda lagu soo dhawaaday.
Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta nuucyadeeda kala duwan ayaa laga maqlayaa Caasimada waxaana hadda ay ku suganyihiin Alshabaab Isgoyska Hotelkii Jubba iyo Wasaaradii Arimaha Gudaha.
Ciidanka Amisom ayaa soo buuxiyay Taalada Daljirka Daahsoon iyo Ex-Baarlamaanka halkaasi oo ay Taangiyadooda soo buuxiyeen waxaana ay taangi ka ridayaan agagaarka dhismaha Dugsi sare BARTAMAHA Degmada Shangaani.
Xaalada waa ay ka sii daraysaa waxaana jira Ciidamo hor leh oo dagaalka sii galaya kuwaasi oo labada dhinac ka kala socda kuwaasi oo doonaya in mid waliba oo riixo Kooxda ka soo horjeeda.
Ciidanka Dowlada ayaa maalmihii la soo dhaafay u babac dhigi waayay Ciidanka Shabaabiyiinta oo Degmooyin badan si fudud u qabsanayay iyagoo ku dhawaaday Xarunta Villa Somalia.
Wixii soo kordha www.BARTAMAHA.COM
la soco oo haka dheer
Comments
comments