Calendar

War Deg-Deg ah:-Dagaaladii Muqdisho oo dib u qarxay iyo Barakac xoog badan oo bilowday.

breaking-news bartamaha1Bartamaha (Muqdisho):- Dagaalo xoog badan ayaa dib uga qarxay Magaalada Muqdisho ka dib markii Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom looga soo taag roonaaday deegaano badan oo ka mida Degmada Hodon.

Wararka haatan naga soo gaaraya jiida hore ee dagaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xoog badan uu dib uga qarxay wadooyinka soo gala Makka Al Mukarama markii Ciidanka Dowlada iyo kuwa Ahlu sunnah laga soo qabsaday Degmadaasi.

Dagaalka ayaa dib u qarxay abaara 9:30-mirir xiliga Muqdisho markii Ciidanka Ahlu sunah ay isku dayeen in ay ka daadagaan wada Dabka oo shalay ay si baqa dirir ah u soo gaareen markii looga soo taag roonaaday Xaafadaha Siigaale iyo Baar Raaxo ee degmadaasi Hodon.

Askarta Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa waxa ay ku teedsanyihiin wadada Makka Al Mukarama waxaana guud ahaan laga soo qabsaday dhulkii ugu badnaa oo ay ka haysteen Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Hodon.

Taangiyada Amisom oo gaaraya 10-Taangi ayaa waxa ay yaalaan inta u dhexeysa Wadada Shaqaalaha illa Sayidka si ay u caawiyaan Ciidanka Dowlada iyagoo mararka qaar ku ridaya Hub culus jihada ay jiraan Mucaaradka.

Xaalada ayaa aad u cakiran waxa uuna dagaalka galay maalintii 6-aad oo si toos ah magaalada uu dagaal uga Ololayo waxaana maanta shabaabka ay ku astayteen Maalintii Badar ee 17-Bisha Ramadaan taasi oo laga baqanayo in dagaalka ay sii xoojiso.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: