War Deg-Deg ah:-Dagaal qaraar oo ka socanaya Degmada Dhuusa-Mareeb Gobolka Gal-Gaduud.
Bartamaha(Dhuusa-Mareeb):-Wararka naga soo gaaraya Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka soconayo Degmadaasi markii Kooxda Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen Deegaankaasi.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa Ciidanka Kooxda Alshabaab iyo Ahlu Sunnah Wal Jamaaca ka dib markii Ciidanka Alshabaab ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen Dhuusa-Mareeb.
Dagaalka ayaa waxa uu bilowday subaxnimadii saaka iyadoo illaa haatan uu ka socanayo Degmadaasi Dhuusa-Mareeb iyo Duleedkeeda halkaasi oo labada ciidan ay ku hardamayaan.
Wararka soo gaaraya www.Bartamaha.Com Xafiiskiisa Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Ciidanka ALshabaab ay dhowr jiho ka soo galeen Magaalada balse uu dagaal qaraar ka socdi\o gudaha iyo hareeraha Degmadaasi.
Dadka Degmada Dhuus-Mareeb ayaa dhinac kasta uga cararay Magaalada si ay uga baxsadaan duqeyn ba’an oo ku socota gudaha Dhuusa-Mareeb iyadoo aanay lahayn dhismayaal looga gabaadsan karo Madaafiicda.
Wixii Warar ah ee Dagaaladaasi naga soo gaara kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments