War Deg-Deg ah:-Ciidamo Ethiopian ah oo soo galay Magaalada B/Weyne iyo hoobiyayal magaladaasi ku soo dhacay.
Bartamaha(Balad-Weyn):-Ciidamo Ethiopian ayaa la xaqiijiyay in ay soo galeen gudaha magaalada B/Weyne kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka.
War goor dhaw naga soo gaaray gudaha Magaalada B/Weyne ayaa sheegaya in Ciidamo watta gaadiidka dagaalka kana tirsan Ciidamada Itoobiya ay soo galeen Bartamaha Magaaladaasi.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay dageen deegaanka 115-(Janta kun disho)Ee Duleedka Magaaladaasi iyadoo qaar badan oo ka mida ay dageen inta u dhexeysa Garoonka Diyaaradaha Iyo Biya galeenka Harar Ee B/Weyne.
Dhanka kale Laba Hoobiye ayaa ku soo dhacday Xaafada Howl-wadaag Ee Degmada B/Weyne kuwaasi oo aan la ogayn illaa haatan goobta laga soo tuuray wallow ay ku soo aadeen xiliga ay Ciidamada Itoobiyaanka ay gudbayeen gudaha Xaafadaasi.
Xaalada Balad-Weyne ayaa kacsan iyadoo shacabka Deegaanada ay dageen askarta Itoobiyaanka ay cabsi xoogan la soo derestay maadaama ay ka nasteen weerarada Madaafiicda.
Wixii Warar ah Ee ku soo kordha Imaanashadaha Ciidamadaasi kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments