Calendar

War Deg-Deg ah:-Ciidamada Dowlada iyo Kooxda Ahlu-sunnah wal-jamaaca oo la wareegay Degmada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo.

b.xwoBartamaha (Balad-Xaawo):-Ciidamada Dowl;ada Fd Soomaaliya iyo Kooxda Ahlu-sunnah wal-jamaaca ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada B/Xaawo.

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka B/Xaawo ayaa sheegaya in halkaasi ay saaka la wareegeen Ciidamo ka wada socday Ahlu-Sunnah wal-jamaaca iyo Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ka soo dhaqaaqay dhanka Deegaanka Doolow.

Ciidamada Iskaashanaya ayaa la sheegayaa in ay ka soo galeen magaalada dhinacyo kala duwan iyadoo aanay jirin wax dagaal balaaran oo Degmada ka dhacay iyadoo la sheegayo in ciidamada ay hoggaaminayeen saraakiil uu ku jiro Xildhibaan Barre Hiiraale.

Xaalada ayaa welli ah mid aad u kacsan iyadoo degmada B/Xaawo laga maqlayo rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowlada taasi oo aan la garan cidda ay ku ridayaan wallow dadka aanay welli ku dhiiran in ay furtaan ganacsigooda.

Wixii warar ah eek u soo kordha isbadalada ka dhacaya Deegaanada Gobolka Gedo kala soco Bartamaha Wararka Soomaaliyeed.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: