War Deg-Deg ah:-Booliiska Kenya oo dilay Wiil Soomaali ah.
Bartamaha(Nairobi):-Warar daqiiqado ka horn a soo gaaray ayaa sheegaya in Booliiska Dalka Kenya ay Xaafada Islii ku dileen Wiil Soomaali ah.
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ay dil u geysteen Muwaadin Soomaaliyeed gudaha Xaafada Islii wadada 7-Ka Ee Magaalada Nairobi.
Qof goob jooge ah ayaa Xafiiska www.Bartamaha.Com Nairobi u sheegay in la dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa Xaafada Islii gaar ahaan Wadada 7-Ka.
Wiilka la dilay ayaa waxaa dilkeesa masuul ka ahaa Booliiska Dalka Kenya kuwaasi oo la sheegay in ay ugu galeen goob ganacsi uu lahaa Muwaadinkaasi ka dibna rasaas ay la beegsadeen.
Sida warka nagu soo gaaray Ciidanka Booliiska waxa ay Wiilkaasi ku dul dhajiyeen Waraaq ay ku sheegayaa in uu yahay nin Tuug ah taasi oo aan la ogayn sababta keentay.
Wixii ku soo kordha dilka ka dhacay Xaafada Islii kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments