read more »">
Calendar

War Deg-Deg ah:-Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay Xukumada Cusub .

kBartamaha  (Muqdisho):- Warar hadda naga soo gaaray Magaalaad Muqdisho ayaa sheegaya in la ansixiyay Xukumada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Farmaajo ka gadaal markii Cod loo qaaday.

Mudanayaasha maanta xaadiray Hoolka Shirarka Baarlamanka ayaa gaarayay illaa 343 xildhibaan kuwaasi oo dhammaan ahaa kuwa u diyaarsan in ay u cadeeyaan Xukumada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa waxa ay muddo ka dib dood socotay waxa cod loo qaaday qaabka loogu Codaynayo Xukumada iyadoo la kala doortay qaababka kala ah Gacantaada ama qaabka qarsoodiga ah.

Mudanyaal gaaraya 93-Mudane ayaa waxa ay u cadeeyeen in qaab qarsoodi ah loogu qaado codka Xukumada Cusub waxaana qaabka gacantaaga ah taageeray 250-Mudane oo dalbaday in gacan taag ahaan loogu qaado xukumada Codka ay doonaysay.

Natiijada Codaynta maanta ayaa waxa ay noqotay in Xukumada Cod gacan taag ah loogu qaado waxaana Codka Kalsoonida siiyay Xukumada 251 Xildhibaan iyadoo 92 Mudane ay codka u diideen Xukumada Cusub.

Xukumada ayaa heshay Kalsooni dhab ah sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadanoo sheegay in Mudanayaasha ay cod ahaan u siiyeen xukumada 251-Cod taasi oo ka dhigan in Xukumada ay ansax tahay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: