War Deg Deg ah:-Alshabaab oo sheegtay in hay’ado shisheeye ay qaraxyo ka maleegayaan Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in Muqdisho iyo Magaalooyin kale laga maleegayo qaraxyo shacabka iyo alshabaab la isaga horkeenayo.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday in shirkado iyo hay’ado dhanka ammaanka ah ay Madaxtooyada dageen si ay u agaasimaan qaraxyo lagu qaado meela badan oo suuqa bakaaraha uu ku jiro kaasi oo shacab badan lagu laynayo.
Afhayeenka ayaa hadalkaasi ka jeediyay Hotelka Ramadn oo ay siminaar ugu qabteen Odayaasha dhaqanka Beelaha isagoo sheegay in shacabka soomaaliyeed ay la socdaan abaabulka qorshahaasi weerarka shacabka lagu doonayo in lagu laayo.
Afhayeenka ayaa xusay in shacabka soomaaliyeed ay ka warqabaan dhammaan qorshayaasha Cadowga islamarkaana aanay u qaadan doonin in Alshabaab ay umada Islaamka ah lkaynayso sida uu hadalka u dhigay isagoo digniintaasi shacabka u jeediyay abaabylka hay’ado uu magacyadooda tiriyay.
hadalka Alshabaab ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanahan abaabulo kala duwan ay wadaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Islaamiyiinta oo haddii ay dagaalamaan shacab badan ay ku la’anayaan taasi oo qasaaraha gaaraya shacabka aanay labada dhinac waxba iska weydiin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments