Calendar

War Deg-Deg ah:-Alshabaab oo Muqdisho ku soo bandhigtay Sargaal iyo Hub uu Dowlada kala soo goostay.

alBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay Saraakiil iyo Hub uu Dowlada kala soo goostay.

Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigtay Sargaal Dowlada ka soo goostay kaasi oo ay la socdeen Ciidamo kooban iyagoo watay in ka badan 50-qori sida ay saxaafada u sheegeen Alshabaab.

Sargaalka Alshabaab u soo goostay  ayaa lagu magacaabaa Baashi Cumar Urur  kaasi oo ka soo  tagay Xarunta Warshadii Nac-naca ee magaalada Muqdisho halkaasi oo Madaxweynaha dhawaan ku soo booqday.

Afhayeenka alshabaab Cali Dheere ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay ku soo biiritaanka Sargaalkaasi Dowlada ka soo tagay kaasi oo uu sheegay in uu la shaqeyn doono Alshabaab.

Wixii faah-faahin ah ee ka soo baxa Sargaalka la soo bandhigay iyo hadalka ay Dowlada ka soo saarto Warbaahinta www.Bartamaha.Com ayaad kala socon kartaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: