War Deg-Deg ah: Alshabaab oo maanta Meel fagaaraha ah ku toogatay rag Sirdoon ay ku sheegtay
Bartamaha (Muqdisho) Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa dil toogasho ah waxa ay maanta ugu geysteen laba nin oo lagu sheegay Sirdoonka Ciidamada Dowlada iyo Amisom.
Fagaaraha Maslax ayaa lagu soo waramayaa in xiligan ay ku suganyihiin Masuuliyiinta Xarakada Alshabaab Gobolka Banaadir kuwaasi oo Maxkamadooda ay amartay in la toogto labadaasi nin oo cadeystay in ay ahaayeen Sirdoonka Dowlada Soomaaliya.
Labada Nin ayaa lagu toogtay fagaaraha Maslax halkaasi oo ay isugu soo bexeen dadweyne aad u fara badan iyadoo ay hadalo ka jeediyeen Masuuliyiin sare oo ka mida Xarakada Alshabaab.
Dadka Magaalada qaarkood ayaa waxa ay ku suganyihiin Fagaaraha Maslax oo weli ay ka soconayso maxkamadaynta Eedeysanayaal kale oo la tilmaamay in halkaasi lagu xukumayo.
Wixii ka soo baxa Hadalada Madaxda Shabaab iyo dilka raggaasi waaxd kala socon kartaa www.Bartamaha.Com Insha Allaah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments