read more »">
Calendar

War Dag Dag ah…Madaxwayne Shariif oo wada tashi kadib sheegay in uu ka laabtay kala dirista Xukuumada Soomaaliya

shsharif2

Bartamaha (Muqdisho):-Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka noqday go’aankii uu hore u sheegay in uu xilka uga qaaday Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xukuumaddiisa.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa khilaaf iyo go’aamo is burinaya ay ka soo baxayeen masuuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG ah.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Sharmarke, ayaa isagu horey ugu gacan seyray shaqo ceyrintiisa oo uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay maalintii Isniinta.
War ka soo baxay manta Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya ayaa lagu sheegay in ay sii shaqeeyn doonto Xukuumada KMG ah taas oo meesha ka saareeysa khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeayay Madaxda sare ee dowlada .
War Saxaafadeedkan oo uu saxaafada u aqriyaya Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa lagu sheegay in kadib markii uu Madaxwaynuhu la tashaday Sharciyaaqaano iyo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ku aadanaa in aanay dhamastirnayn kalsooni kala noqoshadii Baarlamaanka ee xukuumada Soomaaliya uu qaatay go’anka ay hawsha ku sii wadayso xukuumada Soomaaliya.
Inkastoo aan la faahfaahin sababta uu Madaxeyne Shariif uu uga laabtay Go;aankaa haddana waxaan ka marneyn meesha cadaadis siyaasadeed oo ka yimd dhinaca Beesha caalamka hase yeeshee su’aasha meesha taala waxay tahay waxa laga yeelayo ama lagu qancin doono Shiikh Aadan Madoobe oo markii hore lagu qanciyey in la eryayo Cumar Cabdi Rashiid islamarkaana loo dhiibi doono Xil kale.
Warsaxaafadeed uu hore (May 17, 2010) magaalada Nairobi ka soo saaray Walad Cabdalla oo markaas taageeray go’aankii Sheikh Shariif ku casilay ra’iisul wasaaraha ayaa xillilgaas qoraalkiisa ugu baaqay in Aadan Madoobe “Guddoomihii hore ee Barlamaanka uu ogolaado inuu ku soo biiro Golaha Wasiirrada cusub“.

Bartamaha, Muqdisho.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: