Calendar

Wakiilka QM Ee Arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in guula laga gaaray dabargoynta Burcad Badeeda Soomaaliya.

axmedu-waladBartamaha(Muqdisho):-Wakiilka Qaramada Midoobe Ee Dalka Soomaaliya Mr.Ahmedu Walad Abadalla ayaa shaaca ka qaaday in hormar la taaban karo laga gaaray la dagaalanka waxa uu ugu yeeray burcadda badda soomaaliya.

Axmedu Walad Cabdalla ayaa sheegay in soomaliya Xeebaheeda laga quusto in la maro balse haatan waxoogaa hormar ah laga gaaray sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha Burcadda badda soomaaliya.

Mr.Cabdalla ayaa tilmaamay in inta badan kooxaha burcadda badda soomaaliya ay haatan meeraysanayaan gobo aan dhaafsanayn xeebta soomaaliya balse gabi ahaanba laga mamnuucay in ay gaaraan badda Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Wakiilka QM Soomaalia ayaa dhanka kale ku sheegay in burcadda ay bilaabeen in ay lacago badan ku bixiyaan sidii ay Naftooda u badbaadsan lahaayeen taasi oo uu sheegay in ay siiyaan madaxda deeganada Xeebalayda ah.

Hadalkan ka soo baxay Axmedu Walad Cabdalla ayaa imaanaya xilli ay sii badanayaan maraakiibta shisheeyaha ah ee soo buuxdhaafinaya xeebaha dalka soomaaliya taasi oo aan la ogayn cidda u xilsaaratay la dagaalanka Ragga loogu magacdaray Burcadda badda soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: