Wakiilka Qaramada Midoobe Ee Arimaha soomaaliya oo si diiran u soo dhaweeyay kulankii Madaxweyne Shariif iyo Hillry Clinton.
Bartamaha(Nairobi):-Ahmadu Walad Abdalla Wakiilka Qaramada Midoobe Ee Arimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu si weyn ugu farxay kulankii ay yeesheen Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo Xog-hayaha Arimaha Dibada Maraykanka.
Ahmadu Walad Abdalla ayaa war qoraal ah oo uu maanta ka soo saaray xafiiskiisa Magaalada Nairobi waxa uu ku sheegay in Kulanka Hillery Clinto iyo Shariif Sheekh Axmed uu ahaa mid fura u ah hormarka soomaaliya.
Walad Cabdalla ayaa muujiyay in Dowlada Soomaaliya ay xilligan heshay fursad qaali ah maadaama ay rajadeeda taageerada dowlada awooda leh ay tahay mid isasoo taraysa.
Wakiilka Qaramada Midoobe Ee Arimaha Wadanka Soomaaliya Axmadu Walad Cabdalla ayaa dhanka kale muujiyay taageerada looga baahanyahay dowlada codsiga loo jeediyay isagoo soo dhaweeyay digniintii Mrs.Clinton Ee ku wajahnayd dowlada Eritrea.Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments