Wakaaladda Reuters oo baahisay War sheegaya in Al Shabaab ay Nin Oday ah ku gowracday degmada Maxaas.
BARTAMAHA(Muqdisho):-Wakaaladda Wararka Reuters ayaa soo tebisay War sheegaya in Xoogaga Al Shabaab ee qabsaday degmada Maxaas Gobalka Hiiraan ay Nolosha ku gowraceen Nin Oday ah.
Weriyaha Wakaalada Reuters oo lagu sheegay Ibrmaahir ayaa sheegay in Ciidanka Al Shabaab ay Maxaas ku Gowraceen Nin Oday ah dabadeedna ay Oogadiisa dab qabadsiiyeen sida Reuters soo qortay.
Xoogaga Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus kala kulmayay Maleeshiyo beeleed taageersan dowladda Federaalka Somalia.
Weriyaha Reuters oo soo xiganaya Nin Maxaas joogo oo magaciisa ku sheegay Axmed Faarax ayaa yiri †Ninka lagubay lafihiisa iyo wixii ka haray jirkiisa ayaan soo aruurinay kadib markii ay gubeen Al Shabaabâ€.
Maxaas waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka socday Dagaallo u dhexeeyay Maleeshiyaad larumaysanyahay in uu hubeeye Cumar Xaashi Aadan oo Dowladda katirsan.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaan la ogayn sida ay Warkan ku heshay waxaana laga yaabaa in uu yahay mid laga bad badiyay, ilaa iyo hadda wax War ah kamasoo bixin Kooxda Al Shabaab.
Arrinkan ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii ay Maleeshiyo beeleedyo hardan adag Al Shabaab kula galeen degmada Maxaas.
BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia
Comments
comments