Calendar

Wafuud ka socoda dowladda Sweden oo maanta soo gaaray Muqdisho

4Muqdisho (www.Bartamaha.com):-Wafdi ka socday dowladda Swedan ayaa maanta barqadii waxa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxa hogaamineysay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee dowlada Sweden Konila Karson.waxana ay kulamo kula qaateen garoonka dhexdiisa masuuliyiinta dowladda KMG ah.

Waxa halkaas ku qaabilay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdi wahaab Ugaas Xuseen waxana ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin abaaraha dalka iyo siddii loo caawin lahaa kumaan qof oo gargaar u baahan.

Kulanka kadib ayaa wasiirka oo saxaafadda la hadlyay waxa uu sheegay in ujeedada socdaalka wasiirka Sweden uu ahaa u kuurgelidda xaaladda baarta dalka Soomaaliyeed.

-W/D:Xafiiska wararka Muqdisho bartmaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: