Wafti Balaaran oo hor kacaayay Qunsulka Turkiga ee Somalia oo Puntland gaaray Maanta
BARTAMAHA – Wafdi ka socda Dowladda Turkiga ayaa maanta Gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka Bari,waxaana ay la Kulmeen Madaxweynaha Puntland C/wali max’ed Cali Gaas.
Wadfiga ayaa waxaa Hogaaminaya Safiir kuxigeenka Dalka Turkiga ee Soomaaliya,waxaana ku waheliya Xubno Ganacsato ah oo doonaya in ay Maal gashadaan Deegaanada Maamulka Puntalnd.
Madaxweyne C/wali Max’ed Cali Gaaz iyo Wafdiga Turkiga ayaa la sheegay in ay qaateen Kulan mudo qaatay waxaana Diirada lagu saaray sida Turkiga uu Mashaariic oga Fulin lahaa Deegaanada Maamulka Puntland.
C/wali Max’ed Cali Gaaz ayaa Amaanay Howlaha Turkiga uu ka wado Soomaaliya ,waxaana uu ku booriyey in uu sii labo Jirbaaro.
Comments
comments