Wafdi WFP ka socday oo maanta kulan la yeeshay Ckumada Ahlu-Sunnah Wal-jamaaca Degmada Caabud-Waaq Ee Gobolka Gal-gaduud.
Bartamaha(Caabud-Waaq):-Wafdi ka socday hay’ada WFP ayaa maanta booqasho klu tagay Degmada Caabud-waaq Ee Gobolka Gal-gadud halkaasi oo ay kulamo kula yeesheen maamulka degaanka.
Wafdiga Maanta booqashada ku tagay Degmada Caabud-Waaq ayaa waxaa horkacaysay Mrs. Denis Brown ku xigeenka agaasimaha hay’adda WFP halkaasi oo ay kormeer ugu tageen abaaraha ka jiora gobolkaasi.
Wafdiga ayaa waxa ay gaareen Degmada Caabud-waaq iyadoo ay kulan la yeesheen Kooxda Ahlu-sunnah ee ka talisa degmada caabud waaq iyadoo ay kulamadaasi uga hadleen dhibaatada deegaanka ka jirta.
Wafdiga Mrs.Denis ayaa waxa ay gaareen xeryaha barakacayaasha Degmadaasi oo ay kala hadleen arimaha deegaankaasi ka taagan iyo dhibaatooyinka shacabka ay ka cabanayaan.
Inta badan madaxda hay’adda WFP ayaa waxa ay ku dhaqaaqaan booqashooyin aan bulshada wax gar-gaar ah lagu siinayn taasi oo dad badan oo gobolada dalka soomaaliya ay aad ula yaabeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments