Wafdi uu hogaaminaayo Ra’iisal wasaaraha Somalia oo Muqdisho dib ugu soo laabtay ku soo laabtay
Muqdisho (www.Bartamaha.com):-
Ra’iisal wasaaraha XKMG ah Dr. Cabdi Wali Max’ed Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta oo arbaca ah waxa ay dib ugu soo laabteeb magaaladda Muqdisha kadib safaro maalmahan ay ku joogeen magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.
Ra’iisal wasaare Cabdi weli oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalka uu la yeeshay mas’uuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug ay guul ku soo dhamaadeen, isla markaana uu safarkiisu qaatay muddoo Shan maalmood ah.
Waxa kaloo uu sheegay dhamaan in wixii hadda ka dambeeya xiriirka DKMG ah iyo maamuladaas uu wanaagsan doono.
Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisal wasaaraha XKMG ah Cabdi Wali Cali uu heshiis dhoor qodob ka kooban la gaaray madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Max’ud Faroole.
Si kastaba, waxa ay arrintii ummuuqataa in heshiis la gaaray khilaafkii iyo madmadowgii ka taagnaa dowladda KMG ah iyo maamuladda Punland iyo Galmudug.
W/D:Xafiiska wararka Muqdisho bartmaha.com
Comments
comments